Home / WARARKA MAANTA / Wararkii ugu dambeeyay Tababare Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka Spain
Wararkii ugu dambeeyay Tababare Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka Spain

Wararkii ugu dambeeyay Tababare Soomaaliyeed oo lagu xiray dalka Spain

OgaalFM-  Macalin Soomaaliyed ayaa lagu xiray dalka Spain, kadib markii ciidamada Booliska dalkaasi ay weerar ku qaadeen Hotel ay deganaayeen Macalimiin iyo Ciyaartooy Orodka ku tartama.

Macalinkaan Soomaaliga ah ayaa lagu magacaabaa Jaamac Aadan Karaaciin wuxuuna tababare u yahay Gabar u dhalatay dalka Ethiopia oo lagu magacaabo Genzebe Dibaba.

Hay’adda maamusha ciyaaraha fudud ee IAAF ayaa baaritaan ku sameysay 28 ka mid ah 30 ciyaaryahan oo Hotelka deganaa kaas oo ku yaala deegaanka Sabadell oo 25-km u jira magaalada Barcelona, hase yeeshee wax faah-faahin ah lagama bixin tababaraha reer Maroco ee lala xirey Jaamac Aadan Karaaciin.

Saraakiisha ciidamada Booliska ayaa sheegay sababta loo xiray tababare Jaamac inay tahay, kadib markii lagu eedeyay inay qaybiyeen Daawooyin ka mamnuuc ah Ciyaartoyda, taasi oo la sheegay inay waxyeelo caafimaad ka dhalata.

IAAF oo ah hey’adda maamusha ciyaaraha fudud ayaa sheegtay in xarigan uu yahay natiijadii ka dhalatay baaritaanadii la soo bilaabay sanadkii 2013-ka

“IAAF waxaa ay adeegsan doonaa wax kasta oo ay heli karto si loo ilaaliyo awooda nadiifnimada ciyaaryahnada si loo dhowro sharafta Sportiga Kuwa la bartilmaameedsaday ayaa waxaa ku jira shakhsiyaad iyo tababarayaal kuwaas oo ku howlanaa in ay kharibaan ciyaartoyda ciyaaraha fudud isla markaana kor u qaadaya isticmaalka waxyaabaha la mamnuucay.”Ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay IAAF.

Ilaa 60 kamid ah dawooyinka la isku mudo ayaa laga helay Hotelka ay tababarayaashan deganaayeen, inkastoo uusan booliiska sheegin in dhammaan walxahan laga heley qolka Jaamac Aadan.

Ciyaartoyda dalalka caalamka ka ciyaara ayaa inta badan waxaa ka mamnuuc ah Isticmaalka Daawooyin kala duwan oo Dhaqaatiirta la socota Xaalada Caafimaad ee Ciyaartoyda ay ku sheegeen inay tahay mid halis keeni karta.

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*