Home / WARARKA MAANTA / Sarkaalkii Ajnabiga ee lagu dilay weerarkii Halgan oo la ogaaday dalka uu u dhashay.
Sarkaalkii Ajnabiga ee lagu dilay weerarkii Halgan oo la ogaaday dalka uu u dhashay.

Sarkaalkii Ajnabiga ee lagu dilay weerarkii Halgan oo la ogaaday dalka uu u dhashay.

OgaalFM-  Sarkaal Ajnabi ah oo ka soo muuqday meydadkii lagu soo bandhigay deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan ayaa la ogaaday dalka uu u dhashay.

Al-Shabaab ayaa weerar culus 9-kii bishan June ku qaaday saldhig Ciidamada Itoobiya ku lahaayeen deegaanka Halgan, waxaana dagaal saacado badan socday ka dhashay dhimasho iyo dhaawac kala gaaray labada dhinac.

Qoraalo lagu baahiyay baraha Bulshada ayaa lagu sheegay in ninka caddaanka ahaa ee ka mid ahaa meydadkii lagu soo bandhigay Halgan uu ahaa dagaalyahan muddo ka bar bar dagaalamayay Al-Shabaab, una dhashay dalka Masar.

Khattab Al-Masri ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa dagaalyahanada ajnabiga ee ka qeyb qaatay weerarkaas, waxaana ilo wareedyo ay xaqiijiyeen inuu ahaa meydka ninka la soo bandhigay.

Ninkan ayaa saaxib dhow la ahaa Cumar Xamaami oo loo yaqaanay Abuu Mansuur Al-Amriiki, kaasoo horay Al-Shabaab ku dishay Koofurta Soomaaliya, markii ay is qabteen isaga iyo Hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab.

Khatab

Tirada dagaalyahanadii Al-Shabaab ee lagu dilay dagaalkii Halgan ayaa ahaa mid is khilaafsan, inkastoo dowladda Itoobiya ay sheegtay in boqol dagaalyahan ku dishay dagaalkaas.

Al-Shabaab ayaa wegrace Halgan oo ku bilowday qarax ismiidaamin waxay sheegtay inay ku dishay illaa 60 askari oo Itoobiyaan ah.

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*