Home / WARARKA MAANTA / Qarax ka dhacay Magaalada Gaarissa.
Qarax ka dhacay Magaalada Gaarissa.

Qarax ka dhacay Magaalada Gaarissa.

OgaalFM-  Hal ruux ayaa la soo wariyay inuu ku geeriyooday Qarax ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Huluuqo iyo Sangailu oo ka tirsan Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Qaraxaan ayaa wuxuu qabsaday gaari nooca gurmadka deg deg ah ee Ambulance-ka ah, waxaana halkaasi ku dhintay ninkii waday gaariga Ambalaaska.

Sidoo kale qaraxa waxaa ku dhaawacmay saddex ruux oo labo ka mid ah yihiin Shaqaalaha Isbitaalka Huluuqa, halka ruuxa kalena uu ahaa Arday.

Gaariga Miinada xilliga ay la qarxeysay ayaa waxaa saarnaa Afartaasi qof, balse waxaa goobta ku geeriyooday Darawalkii waday gaariga oo lagu magacaabi jiray Cabey Dhuubow.

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*