Home / WARARKA MAANTA / Maamulka Gobolka Banaadir oo bur buriyay Dhismo sharci daro ah “Sawiro”
Maamulka Gobolka Banaadir oo bur buriyay Dhismo sharci daro ah “Sawiro”

Maamulka Gobolka Banaadir oo bur buriyay Dhismo sharci daro ah “Sawiro”

OgaalFM-  Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta waxa ay bur buriyeen dhismo sharci daro ahaa.

Dhismaha la buriyay ayaa waxa uu ku yaalaa isgoyska KM4, waxaana lagu magacaabaa Baar Aargo, iyadoo dhukaasi uu ahaa dhul dowladeed.

Ganacsato Soomaaliyeed ayaa dhulkan maalgashi ku sameystay waxaana ay horey uga dhisteen Baar cuntada laga cuno iyadoo markii ugu dambeysay ay wadeen qorshe ah in ay ka dhisaan halkaasi Dukaaman.

Afhayeenka maamulka gobolka Banaadir C/fataax Cumar Xalane oo la hadlay Idaacadda OgaalFM  ayaa sheegay in dhulkan dhismihii lagu lagu dhisay uu ahaa mid sharci daro ah.

Waxa uu sheegay sidoo kale Afhayeenka in ay jiraan dhismooyin kale oo sharci daro ah, waxaana uu sheegay in maamulka gobolka ay wadaan qorshooyin kale oo wax looga qabanayo dhismooyinka sharci darada ah ee ku yaala wadooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

1--2--3--4--5--

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*