Home / WARARKA MAANTA / Kenya oo dishay sarkaal ka tirsan Shabaab.
Kenya oo dishay sarkaal ka tirsan Shabaab.

Kenya oo dishay sarkaal ka tirsan Shabaab.

OgaalFM- Dowladda Kenya ayaa sheegay in ay dishay sarkaal ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ay baadi goobaysay muddo sanado ah .

Dowladda Kenya ayaa sheegay in muddo aad u dheer ay baadigoobaysay shaqsigaas oo ay sheegtay in uu tirsana ururka Shabaab.

Taliyaha Ciidanka Boliiska degmada Kwale ayaa sheegay in ay dileen sarkaalkaas ka tirsan Shabaab sidoo kale ay baadigoobayaan saraakiil ka tirsan Shabaab oo ku sugan gudaha degmadaasi.

Francis Wanjohi ayaa sheegay in ay sidoo kale gacanta ku dhigeen Idiris Aadan oo ka mid ahaa saraakiisha Kenyaan ah ee ka tirsan Shabaab ee ku sugan degmada Kwale.

Dowladda Kenya ayaa sidoo kale sheegtay in ay ku raad joogto saddex sarkaal oo ka tirsan Shabaab kuwaasoo lagu tuhmaayo in ay ku sugan yihiin gudaha degmada Kwale.

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*