Home / WARARKA MAANTA / Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Qansax-dheere.
Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Qansax-dheere.

Ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab oo ku dagaalamay Qansax-dheere.

OgaalFM-  Wararka inaga soo gaaraya degmada Qansax Dheere ee gobolka Baay ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ay ku dagaalameen Tuulada Buulo Fuur oo hoostagta degmada Qansax Dheere.

Laba askari oo ka tirsanaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa lagu dilay dagaalka dhexmaray ciidamada Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab.

Inta la xaqiijiyay dagaalka udhaxeeyay ciidamada Koonfur Galbeed iyo ururka Al-shabaab ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen ilaa 8 Qof.

Warar madax banaan ayaa sidoo kale waxa ay sheegayaan in dagaalka khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii ciidamada Koonfur Galbeed ay weerar ku qaadeen fariisin Al-shabaab ay ku lahaayeen Tuulada Buulo Fuur oo hoostagta degmada Qansax Dheere.

Waxaa hada xaalada deganaansho ah laga dareemayaa Tuulada Buulo Fuur oo ay ku dagaalameen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo Al-shabaab

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*