Home / WARARKA MAANTA / Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay maalinta qaxootiga.
Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay maalinta qaxootiga.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlay maalinta qaxootiga.

OgaalFM-  Xili maanta ay ku beegantahay maalinta qaxootiga caalamka ayaa dowladda Soomaaliya waxay ka hadashay xaalada dadka qaxootiga ku ah dalalka Calaamka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay kumanaan qof oo Soomaaliyeed oo qaxooti ku ah dalalka Calaamka.

War saxaafadeed laga soo  saaray xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa looga hadlay arimo badan oo ay ka mid yihiin muhiimada dowladda Soomaaaliya ay u leedahay maalinta ka qaxootiga .

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya ay ku barakaceen kumanaan qof oo Soomaaliyeed kuwasoo hada ku dhibaateysan dalalka Caalamka.

1 million oo qof ayaa lagu sheegay warka ka soo baxay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya in ay ku dhibaateysan yihiin dalalka dariska la ah Soomaaliya sida Kenya,Itoobiya,Yaman.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee jooga dalalka caalamka  in ay dalka dib ugu soo laabtaan.

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*