Home / WARARKA MAANTA / Doorka Haweenka ku leeyihiin hanaanka siyaasada doorashada 2016 oo laga hadlay. Sawiro
Doorka Haweenka ku leeyihiin hanaanka siyaasada doorashada 2016 oo laga hadlay. Sawiro

Doorka Haweenka ku leeyihiin hanaanka siyaasada doorashada 2016 oo laga hadlay. Sawiro

OgaalFM-  Wasaaradda Haweenka iyo xuquuqul Insaanka ayaa Muqdisho ku qabatay kulan wada-tashi ah oo looga hadlayay doorka haweenka ee ku aadan ka qeyb galka siyaasada ee dalka iyo hanaanka doorashada 2016.

Kulankan wada-tashiga ayaa waxaa ka qeyb galay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Ururada Haweenka ee ka socday gobolada dalka, waxaana laga dooday afarta hanaan doorasho oo ay Wasaaradda soo bandhigtay.

Qaar ka mid ah haweenkii ka qeyb galayaasha ayaa ku booriyay in si mideysan looga doodo sidii haweenka Soomaaliyeed uga heli lahaayeen xuquuqda ay ku leeyihiin siyaasada dalka.

Xildhibaan Qaali Axmed Diiriye ayaa sheegtay in haweenka looga baahan yahay inay matalaad ku yeeshaan siyaasada dalka, isla markaana xuquuqdooda aan la duudsiin.

Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa sheegtay in shirkan uu ahmiyad gaar ah u leeyahay haweenka, maadaama uu ku saabsan yahay  doorka haweenka ay ku leeyihiin hanaanka siyaasadeed ee dalka.

Guddi Haween ah ayaa loo saaray sidii loo xaqiijin lahaa sidii haweenka ay matalaad ugu yeelan lahaayeen siyaasada dalka, iyadoo Guddigan la kulmay Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Haweenka ayaa loo qoondeeyay in Baarlamaanka la soo dhisayo ay ku yeeshaan 30%, iyadoo xubno ka tirsan Beesha Caalamka ay ku baaqeen in haweenka door muuqda ku yeeshaan siyaasada dalka.

wasaradwasarad-5wasarad1wasarad2wasarad3wasarad4

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*