Home / WARARKA MAANTA / Ban Ki-moon oo booqday qaxooti ku sugan Jaziirad ku taal Gariiga (Sawirro).
Ban Ki-moon oo booqday qaxooti ku sugan Jaziirad ku taal Gariiga (Sawirro).

Ban Ki-moon oo booqday qaxooti ku sugan Jaziirad ku taal Gariiga (Sawirro).

OgaalFM-  Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa booqday qaxooti ku nool Jaziirada Lesbor ee dalka Gariiga, halkaasoo kumanaan qaxooti ay ku nool yihiin.

Dalka Gariiga ayaa noqday marinka ugu weyn ee ay isticmaalaan muhaajiriinta ka soo qaxaya colaadaha Suuriya iyo Ciraaq, kuwaasoo doonaya inay galaan dalalka Yurub.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa sheegay in aysan wali dhamaan dhibaatooyinka heysta dadka qaxootiga, isagoo xuso in dadka muhaajiriinta loola macaamilo si waafaqsan xeerarka bani’aadanimada.

Mr Ban Ki-Moon ayaa ugh bay dalalka Yurub in aysan ka xiran xuduudahooda dadka qaxootiga, isla markaana aysan u muujin midab takoor iyo naceyb.

Waxaa uu u mahad celiyay dadka ku nool jaziirada Lesbos, sida wanaagsan ee ay u soo dhoweeyeen muhaajiriinta.

Booqashada Ban Ki-Moon ee jasiiradda Lesbos ayaa timid iyada oo maalin ka dib dunida laga maamuusi doono, 20-ka bisha June oo ah maalinta caalamiga ah ee qaxootiga.

 

Ban Ki-moonBan-kiban-qaxootiBani-qax

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*