Home / BARNAAMIYADA / Wabiga Shabelle oo ku fatahay Deegaano ka mid ah Gobolka Sh/dhexe
Wabiga Shabelle oo ku fatahay Deegaano ka mid ah Gobolka Sh/dhexe

Wabiga Shabelle oo ku fatahay Deegaano ka mid ah Gobolka Sh/dhexe

JOWHARWabiga Shabelle ayaa ku fatahay deegaano ka mid ah degmooyinka Jowhar iyo Mahaday iyadoo fatahaadaana ay qasaare gaarsiisay dhul ballaaran oo ay ku yaaleen dalagyo kala gedisan ayna ku qasabtay dadweyne badan inay ka barakacaan deegaanadooda.

Wabiga Shabelle ayaa dhowaan ka fatahay deegaanka Bayaxow oo dhinaca Koofur Bari ka xigta magaalada Jowhar illaa 3km, waxana ay fatahaadan sababtay in ay ku baaba’aan boqolaal hekter oo loo diyaariyay in la beero iyo boqolaal hekter oo ay ku yaaleen dalagyo kala gedisan.

Sidoo kale biyaha wabiga ka baxaya ayaa   maalin walba waxa ay gaarayaan deegaano hor leh iyadoo fatahaadana ay ku  qasabtay xoolo dhaqato faro badan inay ka qaxaan deegaanadooda.

Wabiga ayaa sidoo kale waxa uu ka fatahay meel u dhow deegaanka Maagaay waxayna sababeen in ay beeralay badan ay ku waayaan dalagooda iyadoo qaar kamid ah beerahana ay ku yaaleen geed mirood ay ka mid yihiin cambaha iyo liinta.

Saameynta ay fatahaadu ku yeesheen beeralayda ayaa waxaa ka mid ah in kumanaan qoys oo ku noolaa hareeraha wabiga Shabelle ay ku go’odoomaan iyadoo gaadiidka kaliya ee gaari kara deegaanadaa ay yihiin dooman.

Wararka ka imanaya degmada Mahaday ayaa sheegaya in fatahaad ay ka jirto deegaanka Huriwaa waxana fatahadaa ay sababtay in tuulooyin badan ay noqdaan go’odoon.

Maamulka gobolka Sh/dhexe ayaa wada haatan dadaalo lagu doonayo in lagu xiro buqaha ay biyuhu ka fataheen iyadoo dhowaan la filayo in la bilaabo xirida buqahan sida uu u sheegay jowhar.com mid ka mid ah saraakiisha maamulka gobolka Sh/dhexe.

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*