Home / BARNAAMIYADA / Siyaasi caan ah oo Mareykanka kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne
Siyaasi caan ah oo Mareykanka kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne

Siyaasi caan ah oo Mareykanka kaga dhawaaqay inuu yahay Musharax Madaxweyne

Xisbi siyaasadeedka Gurmad ayaa xalay magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ku daahfuray ololaha ka qeyb galka doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo la filayo inay dhacdo dabayaaqada sanadkan 2016.

Dr. Cabdinaasir Maxamed oo ka mid ah aas-aasayaasha Xisbiga Gurmad ahna dhaqtar Soomaliyeed iyo ganacsade in muddo ah kunoolaa gobolka North Caroline ayaa ku dhawaaqay inuu yahay musharrax u tartamaya xilka madaxweynaha dalka, wuxuuna yiri.

“Anigoo tixgalinaya rajada uu  qabo shacabka Soomaaliyeed, kuna tartamaya magaca xisbiga Gurmad waxaan idiincadeynayaa inaan ahay musharrax u tartamaya xilka madaxweynaha Soomaaliya”.

“Gurmad in ay soo gasho siyaasadda dalka waxaa ku kallifay markii ay aragtay dhibaatooyin badan oo dalka kajira, gaarahaan habacsanida dowladdanimo, amnidarrada, caddaaladdarrada, saboolka, shaqola’aantaiyoqul-qulkatahriibka” ayuusiiraaciyay Dr. Cabdinaasir.

Wuxuu sheegay Dr. Cabdinaasir in isaga iyo xubnaha kale ee xisbiga Gurmad ay u cuntamiweysay xaaladda dalka, ayna go’aansadeen inay ka qeyb galaan tartanka siyaasadda.

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*