Home / BARNAAMIYADA / Mareykanka oo Weeraray Deegaanka Bariire e Gobolka Shabeelaha Hoose
Mareykanka oo Weeraray Deegaanka Bariire e Gobolka Shabeelaha Hoose

Mareykanka oo Weeraray Deegaanka Bariire e Gobolka Shabeelaha Hoose

Ciidamada Kumaandooska dowladda, AMISOM iyo Ciidamo Mareykan ah ayaa saaka weerar qorsheysan ku qaadan deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howl galkan wada jirka ah ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay diyaarado Helicopters, waxaana dagaal muddo saacad ku dhow oo ka socday deegaanka Bariire la sheegay in al-Shabaab markii dambe looga saaray.

Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska ee Danab iyo kuwa AMISOM ay qaadeen weerar qorsheysan, ayna howl galka ku soo qabteen saanad ciidan iyo sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada ay soo furteen maxaabiis u xirneyd Al-Shabaab oo ku xirnaa saldhiga Bariire, inkastoo aan la sheegin tiradooda.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay maqlayeen duqeymo ay fulinayeen diyaarado qumaatiga u kaca, ciidamada wada jirka ayaa howl galka kadib ka soo laabtay deegaanka.

Al-Shabaab oo ka hadashay weerarka ayaa sheegay in Ciidamo Mareykan iyo AMISOM ay weerar ku soo qaadeen, balse ay iska difaaceen.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka, mana jirto wax war ah oo ka soo baxay Ciidamada wadajirka ee howl galka fuliyay.

Howl galkan ayaa qeyb ka noqonaya howl gallo xiriir ahaa oo maalmihii la soo dhaafay ciidamada gaarka ah ee dowladda, oo taageero ka helaya Ciidamo Mareykan ah ay ku qaadeen deegaano ka tirsan degmada Afgooye oo ay Al-Shabaab gacanta ku hayaan.

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*