Home / BARNAAMIYADA / Isbitaalada lagu daweeyo dadka qaba cudurada dhimirka oo ku soo kordhaya Muqdisho
Isbitaalada lagu daweeyo dadka qaba cudurada dhimirka oo ku soo kordhaya Muqdisho

Isbitaalada lagu daweeyo dadka qaba cudurada dhimirka oo ku soo kordhaya Muqdisho

Dalka Soomaaliya oo ku soo badanaya cudurada dhimirka ayaa waxaa magaalada Muqdisho haatan ay bukaanada awood u heleen in laga furo isbitaalo casri ah oo ku shaqeeya qalabkii ugu dambeeyay ee caalamka.

Dr. Cabdiwahaab Aadam oo ah aasaasaha Mogadishu Memorial hospital ayaa  sheegay in soo kordhiyeen qalab iyo dawooyin casri ah ooay ugu tala galeen in ay ugu adeegaan Soomaalida qaba cudurada Madaxa, Neerfaha iyo Xididada.

Cabdiwahaab Aadam oo ah dhakhtar dalka dibadiisa wax ku soo bartay ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in qofka uu kaga dhaco cudur madaxa ay habboon tahay in si deg-deg ah wax loogu qabto lana keeno goobaha loogu adeego cuduradaas si cudurku uusan u noqon mid aan waxba laga qaban karin.

Waxa uu sheegay Dr. Adam in Isbitaalku uu horay ugu shaqeyn jiray agagaarka taalada Sayidka hase yeeshee hadda ay usoo guureen degmada Hodon gaar ahaan inta u dhexeysa dhismaha Wasaarada Tacliinta Sare iyo Dhismaha Safari apartment.

Cudurada lagu daweeyo Isbitaalka ayaa waxaa kamid ah laleemada,madax kala guurka,afqalooca,cudurada xiddidada, qalalka,kalagoysyo xanuunka, madax xanunka, hurdo la’aanta, kabaabyada, murqo xanuunka iyo ilowshaha.

“Waxa aan u diyaarinay dadka bukaanka ah shaqaale ku haboon adeegga ay qabanayaan, waxa aan dhawaan soo kordhin doonnaa qalab caafimaad oo casri ah si aan u daboolno qaar kamid ah baahiyaha caafimaad ee jira”.ayuu yiri Dr Cabdwahaab oo ka hadlayay waxqabadka isbitaalka Muqdisho Memorial.

Dr. Cabdiwahaab Aadam oo dalka dibadiisa wax kusoo bartay ayaa waxa uu sheegay in bukaanada u yimaada ay ka kala yimaadaan guud ahaan dalka Soomaaliya.

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*