Home / BARNAAMIYADA / Dowlada Midnimada Qaran e Liibya oo Taageero loo fidinayo
Dowlada Midnimada Qaran e Liibya oo Taageero loo fidinayo

Dowlada Midnimada Qaran e Liibya oo Taageero loo fidinayo

Shir caalami ah oo taageero loogu fidinayo dowladda midnimada qaran ee dhawaan laga sameeyay Liibiya, ayaa maanta ka furmaya caasimadda Austria ee Vienna.
Shirka oo ay wadajir u gudoomin doonaan xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykanka, John Kerry, iyo dhigiisa Talyaaniga, Paolo Gentiloni, ayaa waxaa kasoo qeybgalaya wasiiro caalamka ka socda, gaar ahaan kuwo ay khuseyso arrinta Liibiya.
Shirka ayaa diirada lagu saari doonaa dadaalada caalamiga ah ee lagu xasilinayo dalka Liibiya, kaasoo ay colaadi ka jirtay ran iyo markii ay dhacday xukuumadii korneyl Gaddafi sanadkii 2011-ka.
Ka qeybgalayaasha shirka ayaa la filayaa in ay ka doodaan qaabka lagu taageeri karo dowladda cusub ee midnimada qaran ee uu hogaaminayo ra’iisul wasaare Fayez Sarraj.
Dowladda uu hogaamiyo oo la sameeyay bishii December ee lasoo dhaafay, isla markaana haysata taageerada Qaramada Midoobay, ayaa isku dayaysa in ay gacanta ku dhigto dalka oo dhan.
Balse waxaa si weyn u diidan kooxaha mayalka adag ee kula sugan caasimadda Tripoli iyo fallaagada haysata bariga dalka.
Waxaa laga yaabaa in shirka maanta looga hadlo qafiifinta cunaqabateynta hubka ee saaran Liibiya, si dowladda midnimada qaran ay u hesho hub ay kula dagaalanto ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*