Home / BARNAAMIYADA / DHAGEYSO: Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay Xilka qaadista uu Sameeyay Madaxweyne Gaas
DHAGEYSO: Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay Xilka qaadista uu Sameeyay Madaxweyne Gaas

DHAGEYSO: Baarlamaanka Puntland oo ka hadlay Xilka qaadista uu Sameeyay Madaxweyne Gaas

Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xil ka qaadis ku sameeyey taliyaashii ciidamada Boliiska iyo Birmadka ee maamulka Puntland, kuwaas oo ka dambeeyey Iska horimaad dhexmaray ciidamada Boliiska geysatayna dhimasho iyo dhaawac.

Xildhibaan Yaxye Maxamuud Cusmaan oo kamid ah baarlamaanka Puntland ayaa soo dhaweeyey go’aanka Madaxweyne Gaas, wuxuuna sheegay in uu qaatay go’aan loo baahnaa.

Xildhibaan Yaxye wuxuu cadeeyey in loo baahnaa talaabada Madaxweynaha, si meesha looga saaro arrimaha ku saabsan Is faham-waaga marar badan dhexmara ciidamada Boliiska Puntland.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Yaxye in aysan waxba amniga Puntland u geysan karin talaabada xilalka looga qaaday Taliyaasha ciidamada Amniga, ayna waajib tahay in talaabadaas lasii horumariyo, iyadoo sidaas oo kale uu socdo qorshaha dibu habeynta ciidamada Amniga Puntland.

Shalay ayay aheyd markii Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas xilka looga qaaday Taliyeyaasha Boliiska iyo Birmadka maamulka Puntland.

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*