Home / BARNAAMIYADA / Wasiir Nuux oo sheegay in ay wadaan qorshe dib loogu furayo Garoonka Muqdisho
Wasiir Nuux oo sheegay in ay wadaan qorshe dib loogu furayo Garoonka Muqdisho

Wasiir Nuux oo sheegay in ay wadaan qorshe dib loogu furayo Garoonka Muqdisho

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Xuseen Nuux oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhowaanahan ay saxaafadda weydiinayeen su’aal ku aadaneyd xilliga dib loo furayo Garoonka Ciyaaraha ee Muqdisho Stadium.

Waxa uu sheegay in Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ay wado sidii dib loogu furi lahaa Garoonka Stadium Muqdisho.

Wasiir Nuux ayaa sheegay in hada Garoonka ay degan yihiin ciidamada AMISOM laakiin wasaaradda ay qorsheyneyso sidii garoonka dib loogu howlgalin lahaa.

Waxa uu sheegay in Wasaaradda iyo Dhalinyarada kubada ciyaarta ay ku farxi lahaayeen hadii ay dib u arki lahaayeen garoonka Muqdisho Stadium oo lagu cayaarayo.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxa ay wadaa qorshe kor loogu qaadayo Ciyaaraha iyo Dhalinyarada Sportiga jecel.

Ha

Halkaan Hoos Ka dhegeyso Codka

Idaacadda Haatuf Kala soco Warar la hubo

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*